1-5 Intay labadeeda gacmood ku soo qabato labadeeda cajar, oo jilbaheeda gaarsiiso madaxeeda, ninkuna uu gadaal ka soo fariisto. | |
1-6 Ninka oo labadiisa gacmood labada cajar ee xaaskiisa kasoo gelsha dhanka hoose dabeetana sare ugu soo qaada oo isku soo nabo, iyaduna intay xoogaa isa soo qaaddo qoortiisa hab-siiso. | |
Qaabkaani waa mid wanaagsan marka laga eego xag nafsiyeed. Waxa uu ninka oggolaanayaa in uu siduu doono uga bogto dareenkiisa rabitaan. Waxa kale oo uu ninku dareemayaa inu gacaladiisa dhabta ku qabanayo, iyada oo idilna uu hananayo. Haweeneyda lafteeda waxa ku dhalanaya dareenkaasi mid la mid ah, iyada oo dareemaysa inay meel aamin ah ku jirto. Qaabkaani waxa kale oo uu ku wanaagsan yahay, isagoo labada qof awood u siinaya inay siday doonaan isu istiimiyaan. | |
Waxa laga yaabaa qaabkani inuu khatar geliyo ilma-galeenka buuxa xilliga ay haweeneydu uurka leedahay, khatartaasi oo uga imaanaysa culayska ninka dul saaran, iyo weliba awoodda garaacis ee ka dhalata dhaqdhaqaaqiisa. Sidaa daraadeed, waxa habboon in aan la isticmaalin xilliga uurka. | |
2- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, oo kadib kolka la isgeliyo labada xubno-taran, ay fidsato labadeeda lugood, oo sidaasi labadeeda cajar dusha uga qabtaan labada cajar ee ninkeeda. | |
3- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, ay labadeeda lugood mid sariirta ku dul dherersato, tan kalena ninkeeda dhabarka kaga soo qoolaashto, amaba ay garabkiisa dul saarato. | |
Labadaan qaab (2,3) waxay aad ugu habboon yihiin kolka geedka ninku jilicsan yahay oo aanu si toos ah isu taagi karin. Qaabka 2aad waxa uu si gaar ah u kordhiyaa raaxada ninka, mana oggolaanayo geedku inuu cambarka dibaddda uga soo baxo, waxana ku taliya dhakhaatiirta. | |
4- Kolka labada isqabaa ay dhinaca u seexdaan: | |
4-1 Ninku intuu dhinaciisa bidix u seexdo, isaga oo isla dhererinaya xaaskiisa oo iyadu ka soo hor jeedda una jiifta dhinaceeda midig, uu dabeeto labadeeda lugood mid ku dhaafo sariirta, midda kalena cajarkiisa midig kudul rido. | |
Qaabkani waxa uu ku habboon yahay kolka labada xubno taran ay kala weyn yihiin. Haweeneydu qaabkan iyada ayaa goobta maamusha, waxayna awood u leedahay inay ninkeeda hab u siiso siday doonto, sababta oo ah labadeeda warqood ayay u dhaqdhaqaajin kartaa sidii iyadu ay jeclaato. Ninku kolka uu dareemo in xaaskiisu aanay weli gaarin heer biyabbax isna biyuhu ka soo dhowyihiin, waa uu joojin karaa dhaqdhaqaaqa si uu biyaha isugu celiyo, isagoo markaasi fursad siinaya xaaskiisa, si ay labadoodu isku mar u biyabbaxaan. | |
5- Kolka intay haweeneydu sariirta ama miis is ag taagto qaarkeeda hore si dhacadiid ah ugu dul seexato, iyada oo gondaheeda ku taagan, amaba ku dul taagan walax adag oon dhaqdhaqaaqaynin, dabeeto xoogaa lugeheeda kala fogayso. Ninkii oo isna gondihiisa ku taagani uu markaa labadeeda jilib soo dhex galo, isaga oo qaarkiisa hore ka daba laabaya, labada gacmoodna kaga soo qabanaya garbaheeda, ama ku qabsanaya barkinta. | |
Qaabkan waxa lagu fududeeyaa bekra jebinta dumarka aan la tolin, ha yeeshee ma garanayo inuu dumarka la tolayna u leeyahay faa'iido taa la?eg iyo in kale. Waxa si fudud oo dherer ah ugu dillaacaya xuubka bekrada, waana uu ka xanuun yar yahay qaababka kale. Waxa intaa dheer iyada oo xaaska aan bekrada ahayni ay aad ugu raaxaysato qaabkaan. | |
Macaantiisa waxa barbar socda daal badan oo gaar ahaan ninka ku yimaada, mana fududeeyo inay xawadu u gudubto ilma-galeenka, geedka oon cambarka wada geli karin awgeed, taasi oo markaasi keenta suurtagalnimadii ubad dhalista oo yaraata. | |
6- Kolka intuu ninku dhabarka u seexdo ay xaaskiisu ku dul fariisato. | |
6-1 Intay ku dul fariisato, geedkana isgeliso, ay markaasi ku dul dhabbacato, oo naaseheeda shafkiisa ku dul qabato, labadeeda gacmoodna miskaha kaga soo qabato oo isku soo cadaadiso, dabeetana dhaqdhaqaq bilowdo. | |
6-2 Ninkii oo xoogaa lugaha soo laabay, intay labadiisa bawdo ku dul fariisato, geedkana isgeliso, iyada oo u dul saaran sidii inay faras fuushan tahay, ay markaasi dhabarkeeda kor iyo hoos ugu dhaqaajiso. | |
Qaabka 6aad aad buu ugu wanaagsan yahay kolka uu ninku daallan yahay, waase qaab uga baahan haweeneyda khibrad dheer oo ah siday muruqyada cambarkeeda u xukumi lahayd oo isugu dhellitiri lahayd, ugana dhigi lahayd kuwo geedka ninka lisa. Qaabkaani in kasta oo aanu suuragal ka dhigeynin, in la isa salaaxo oo la isdhuuqo, haddana waxa uu ninka gaar ahaan u leeyahay faa'iido weyn oo aanay qaababka kale u lahayn, taasi oo ah isaga oo daawanaya xaaskiisa uu jecel yahay oo gebi ahaanteed dul saaran. Waxa kale oo uu labada qofba u oggolaadaa inuu mid waliba fiirsado sida uu kan kale u gurxamayo u riimayo isuna bedbeddalayo. | |
Qaabkaan dhibaatooyinkiisa waxaa kamid ah isaga oo sahla gudbinta cudurrada, gaar ahaan kolka uu cudurku haweeneyda haayo, maadaama biyeheedii ay kusoo hoorayaan geedka ninka ibtiisa. Tan kale waa in aynaan illaawin in qaabkaani yareeyo suuragalnimada uur qaadista, kol hadday xawadii dib uga soo baxayso cambarka kolkay hawshu dhammaato. | |
7- Kolka intuu ninku fariisto oo lugihiisa xoogaa kala furo, ay xaaskiisu dhabtiisa kudul fariisato, oo labadeeda lugood si aad ah u kala fogeyso, dabeetana uu sidaa geedka hoos uga keeno. | |
Qaabkaani aad buu u raaxo geliyaa haweeneyda, ha yeeshee waa uu daaliyaa ninka. Waxa intaa dheer, geedka oon cambarka wada geli karin, taasi oo markaasi yaraynaysa fursadda uur qaadista. | |
QAABABKA DHABAR JEEDIN | |
?Qaababkaan waxay hawshu ka socotaa dhanka gadaale oo waxa isku beegan wejiga ninka iyo dhabarka xaaskiisa. waxanay kala yihiin sidaan soo socota. | |
1- Kolka ay haweeneydu sariirta si dhabbacaad ah ugu dul seexato, shafkeeda iyo naaseheeduna ay sariirta dul saaran yihiin, ama ku sii beegan yihiin | |
1-1 Kolka wejiga, shafka, caloosha, iyo bowdooyinka haweeneydu ay taabanayaan sariirta, uu ninku si dherer ah ugu dul seexdo, isaga oo qaarkiisa dambe xoogaa soo laabayana uu labadeeda doolood dhammaadkooda geedka ka soo geliyo. | |
1-2 Intay haweeneydu afarta ku istaagto iyada oo isku xajinaysa labadeeda jilib iyo labadeeda calaacal ama xusul, uu dabeeto ninkeedu gadaal kaga yimaado, oo dhabarka kaga dhaco. | |
Qaabkaan si uur ku yimaadaa waa ay adag tahay, oo waxaba jirta in dadka aan uurka rabini ay isticmaalaan. Haweenka aan aadka tababarka u qabini ma jecla qaabkaan mana ku raaxaystaan. Waxa kale oo jirta in qaabkaani uu ku habboon yahay laba qof oo caato ah. | |
2- Kolka intay haweeneydu dhinaceeda bidix u seexato, uu ninku daba seexdo isagoo isna dhinaciisa bidix u jiifa, sidaasina uu wajigiisu ugu sii jeedo jeegadeeda, geedkiisuna dabadeeda. Dabeeto iyada oo ay lugteeda bidix dherersan tahay, tan midig ka laabto barta jilibka ah, yarahana hore u bixiso, sidaasina ninkeedu geedka ka soo geliyo daloolkii ay reebtay lugtii midig ee iyadoo laaban hore loo bixiyay. | |
Qaabkan waxa la isticmaalaa kolkay haweeneydu uur leedahay, iyo kolkay caafimaad darri ama tamar darri guud jirto. Waxa xusid mudan in kolka qaabkaan la isticmaalayo ay gacanta midig ee ninku firaaqo tahay, oo uu siduu doono ugu istiimin karo xaaskiisa. | |
3- Kolka intay haweeneydu u istaagto sidii iyada oo rukuucsan ama dhulka wax ka soo qaadanaysa, lugaha xoogaa kala fogeyso, iskuna tiiriso gambar ama sariir gaaban. | |
Qaabkaani waxa uu ku habboon yahay haweeneyda uurka leh, maadaama aanu khatar gelinaynin uurjiifka caloosheeda ku jira, dhakhaatiirta ayaana isticmaala kolkay baarayaan gidaarrada cambarka, iyo kolkay qalliin ku samaynayaan intaba. | |